Guddomiye Basmo oo daah-furtay bandhiga buugta Banaadir

0
493

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed (Jakeeti) ayaa maanta daah-furtay Bandhiga Buugta Banaadir oo ay soo qaban qaabiyeen qorayaal Soomaaliyeed.

Guddoomiye Basma ayaa sheegtay in Bandhigga Buugta Banaadir uu door muhiim ah ka qaadanayo soo bandhigida hal abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed Bulshaduna ay kasoo baxaan qoraayaal Maskaxdooda shiilay.

Waxaa ay ku amaantay Dhalinyarada iyo Qorayaasha Soomaaliyeed juhdiga iyo dadaalka ay ku bixiyeen in Bandhigaan la qabto iyadoona xustay in Maamulka G.Banaadir ay la garab taagan yihiin kuna dhiiragelinayaan dadaalka ay wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here