Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhagax-dhigay waddooyinka laamiga ah ee Degmada Shangaani kuwooda burbursan, isagoona sheegay in si casri ah oo damaanad leh loo dhisi doono.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siinayo dib-u-dhiska waddooyinka, maadaama ay taas kaalin ka qaadanayso koboca dhaqaale, fududeynta isku-socodka iyo soo-celinta bilicdii ay caanka ku ahayd Caasimadda.
Waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay qeybtooda ka qaataan barnaamijyadaas horumarineed, ayna ilaashadaan bedqabka iyo nadaafadda waddooyinka la dhisayo.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku boorriyay milkiilayaasha guryaha burbursan ee ku yaala Degmada Shangaani kuwooda dalka jooga iyo kuwooda qurbaha jiraba in ay dib u dhistaan guryahooda, si bilicda iyo horumarka ay qeyb ugu noqdaan, waxa uuna ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu bulshada ku gacan siin doonno fududeynta wixii caqabad ah ee jira.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa bulshada Shangaani iyo guud ahaan Caasimadda ugu baaqay in ay isku diiwaangeliyaan codbixinta Doorashada Qof iyo Cod ee dhawaan la filayo in ay ka qabsoonto Muqdisho iyo goballada kale ee dalka, waxaana uu taas ku tilmaamay fursad taariikhi ah oo dadweynaha u horseedi karta in ay doortaan maamul sii dardargaliya dib-u-dhiska iyo adeegyada bulshada ee muhiimka ah.
Munaasadda waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Md Cabdimajiid Daahir Aadan, Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Xoghaya Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Bilan Bile Maxamuud iyo mas’uuliyiin kale.













