Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Ololaha Qaran ee Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha: SAWIRRO + VIDEO

0
209

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π€π±π¦πžπ 𝐀𝐦𝐒𝐒𝐫 ayaa ka qaybgalay daah-furka ololaha Qaran ee diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, taasoo bilaw u noqoneysa doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in fursad weyn ay tahay in awooda dib loogu celiyo shacabka si ay iyagu go’aan ugu gaaraan cida hoggaanka u qaban laheyd, wuxuuna aad u soo dhaweeyay in maalmaha soo socda diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha laga bilaabo degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π€π±π¦πžπ 𝐀𝐦𝐒𝐒𝐫 ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Banaadir inay is diiwaan-geliyaan isla markaana isku diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah, isaga oo xusay in la joogo waqti aan la dhihi karin isma dooran kartaan oo hoggaankiina ma dooran kartaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here