Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa kulan ku saabsan horumarinta Caasimadda la qaatay xiriiriyaha hay’adda TIKA ee Soomaaliya, Mr. Ilhami Turis.
Hay’adda TIKA ayaa waxaa laga leeyahay dalka Turkiga, waxa ayna dalkeeda u qaabilsan tahay ‘Iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta, iyadoo ka hawlgasha waddamo badan oo ku yaalla caalamka.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimaha waaxda xiriirka dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo agaasimaha dab-damiska ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen:
- Dhismaha warshad wax soo saar oo heer gabogabo maraysa.
- Tabbabar la siin doono shaqaalaha waaxda dab-damiska ee Dawladda Hoose.
- Dhismaha xarun ganacsi oo ay iska kaashan doonaan wasaaradda ganacsiga xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Ugu dambeyn, kulanka oo saacado qaatay ayaa kusoo idlaaday is afgarad iyo in hawlaha ay isla wadaan Dowladda Hoose iyo hay’adda TIKA la dardar-geliyo.


















