Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa deeq raashin ah ku wareejiyay wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka, taasoo qayb ka ah taageerada dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo ay ciidanka xoogga dalka ka wadaan guud ahaan dalka.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in shacabka ku nool Caasimadda dalka ay ka go’an tahay inay garab-istaagaan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, si dalka looga xoreeyo kooxaha Khawaarijta oo uu sheegay inay dhibaatooyin adag ku hayaan dadka Soomaaliyeed.













