Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta degmada Kaxda kula kulmay muwaadiniinta ku dhaqan degmadaasi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta bulshada, sar-u-qaadidda qabka wadaniyadda iyo horumarinta degmada Kaxda.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Muungaab, ayaa madasha ka sheegay in guulo wax-ku-ool ah la gaaray 100-kii maalmood ee lasoo dhaafay, isagoo tilmaamay in la dhisay waddooyin badan iyo in mushahar kordhin loo sameeyay shaqaalaha nadaafadda ee caasimadda.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sidoo kale waxa uu dhaliilay dad caadaystay in ay baraha bulshada ku faafiyaan warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ka dhan ah madaxda Gobolka iyo Dowladda Federaalka.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Xoghayaha guud Marwo Bilan Bile Maxamuud, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir,