Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad si rasmi ah loogu dhagax dhigay dib-u-dhiska Xaruntii Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, oo dhowaan dib ugu soo noqotay gacanta Dowladda Federaalka kaddib muddo soddon sano ah oo ay dadweyne ku noolaayeen.
Munaasabadda oo uu hoggamainayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa waxaa goobjoog ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa xusay in dib-u-dhiska Wasaaradda uu wax weyn ka tari doono tayaynta adeegyada waxbarashada dalka iyo kor-u-qaadista jiraalka Wasaaradda.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay in xaruntani ka rajaynayo in ay noqon doonto mid casri ah oo si buuxda ugu qalabeysan in lagu hago siyaasadaha waxbarashada, cilmi-baarista iyo kobcinta aqoonta bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Xukuumadda Dan-Qaran, isaga oo ku bogaadiyay doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan horumarinta dalka, xoojinta hay’adaha dowliga ah, iyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed.
Dhagax-dhiggan ayaa astaan u ah fulinta ballanqaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-soo celinta xarumaha danta guud iyo kor-u-qaadista tayada adeegyada waxbarasho, si loo hubiyo in jiilka soo koraya uu helo adeeg waxbarasho oo tayo leh, casri ah, isla markaana waafaqsan baahiyaha bulshada iyo horumarka dalka.













