SAWIRRO: Guddoomiye Yabooh oo ka Qayb-galay Shir looga hadlay Amniga Caasimadda oo lagu qabtay Taliska Ciidanka Booliiska

0
192

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa la qaybgalay kulan looga hadlayay amniga caasimadda dalka ee Muqdisho, kaasoo lagu qabtay taliska guud ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa shir-guddoominayay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, waxaana intii uu socday lagu lafa-guray xasilloonida iyo amniga caasimadda maalmaha Ciidda iyo toddobaadka xorriyadda, iyadoo ay shirka ka qaybgaleen Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska iyo Saraakiil kala duwan.

Sidoo kale, kulanka waxaa goob-joog ka ahaa; Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir. Waxaa qayb ka ahaa saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka Ciiltire ee booliiska, NISA iyo booliiska u tababarsn sida millateriga, kuwaas oo loogu talo-galay sugidda Amniga guud ee Caasimadda iyo daafaheeda.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Hawlgalka Ciil-tire ayaa ka warbixiyay hawlgallada lagu xoojinayo amniga iyo sidii loo dardar-galin lahaa amniga iyo xasilloonida Caasimadda mar kasta, gaar ahaan inta lagu guda jiro maalmaha Ciiddul Adxa iyo Toddobaadka Xorriyadda si ummadda Soomaaliyeed ugu xafladeeyaan si nabad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here