Duqa caasimadda oo dhagax dhigay dhismaha xarunta degmada Shangaani.

0
104
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta cusub ee Degmada Shingaani, taas oo ah markii ugu horreysay ee xarun rasmi ah loo dhiso degmada muddo 50 sano ah, kadib markii aasaaskeedii hore uu gabi ahaanba burburay.
Degmada Shingaani oo ka mid ah degmooyinka taariikhiga ah ee caasimadda, ayaa muddo dheer la daalaa-dhacaysay baahida adeegyo bulsho iyo xarumo maamul.
Munaasabadda dhagax-dhigga oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin heerar kala duwan leh, sida Odayaasha deegaanka, Haween, iyo Dhalinyaro, ayey Odayaasha deegaanka uga mahadceliyeen Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyagoo sheegay in uu yahay mas’uulkii ugu horreeyay ee il gaar ah ku eegay horumarinta iyo dib-u-magaalaynta Shingaani, halka mas’uuliyiintii xafiiska uga horreeyay ay indhaha ka laabteen xaaladda degmadan oo dersi la ah Aqalka Dowladda Hoose.
Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa dhankiisa ballanqaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda uga shaqeyn doono kobcinta iyo dib-u-dhiska degmadan taariikhiga ah, isaga oo xusay in la dhisi doono xafiisyo casri ah oo bixiya adeegyada aasaasiga ah, isla markaana dhismaha cusub uu noqon doono mid dabaq ah si waafaqsan qorshaha casriyeynta caasimadda.
Dr. Muungaab ayaa sidoo kale ku baaqay in shacabka degmada Shingaani ay kaalin muuqata ka qaataan dib-u-dhiska iyo bilicda deegaanka, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta weli dibadda ku maqan in ay dalkooda ku soo laabtaan, guryahoodana dib u dhistaan, si ay door firfircoon ugu yeeshaan horumarka guud ee magaalada Muqdisho.
Dhagax-dhiggan cusub ayaa calaamad u ah billowga marxaladda dib-u-soo-nooleynta ah ee lagu xoojinayo taariikhda iyo hiddaha degmada Shingaani, taas oo qayb ka ah dadaallada duqa Muqdisho ee lagu hormarinayo degmooyinka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here