Guddoomiye Madaale oo ka Qaybgalay kulan looga hadlay Amniga Dalka, kan Caasimadda iyo ciribtirka Khawaarijta: SAWIRRO

0
234

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusud Xuaeen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalay kulan looga hadlayay amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka guud ee caasimadda dalka, waxaana kulankaan guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; wasiirka gaashaandhigga, ku-simaha wasiirka amniga gudaha, talisyada ciidamada xoogga dalka, booliiska iyo nabad-sugidda, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligan lagu jiro Ramadaanka oo kooxaha khawaarijtu ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.

Ugudambeyn, Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here