Duqa Muqdisho oo Madaxa UNOPS kala hadlay sidii loo fududeyn lahaa diyaarinta Naqshadda Biyo-mareennada Muqdisho: SAWIRRO

0
230

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo madaxa hay’adda UNOPS Dr. Ala.a Nemer, ayaa ka wada-hadlay sidii loo fududeyn lahaa diyaarinta naqshada biya-mareennada magaalada Muqdisho, kasdib sahmin iyo daraasad ku aaddan sidii xal-waara loogu heli lahaa dhibaatada lagu qabo biya-mareenadan oo ay isla sameeyeen Dowladda Hoose ee Xamar iyo UNOPS.

Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay diyaarinta dhameystirka naqashdaha biya-mareennadan (Masterplan for Trunk Drainages for Mogadishu City) iyo dardargalinta fulintooda, sidoo kale in dib loo hagaajiyo biya-mareennadii hore si xal-waara looga helo dhibaatada ay ku hayaan biyaha magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, Labada dhinac ayaa isla qaatay qaabka ugu wanaagsan ee loo xallin karo maareynta biyaha roobka ee Muqdisho iyada oo la isla qaatay in la dhameystiro wajiga koowaad ee naqshada si loo billaabo dhisamaha biyo mareenka qaybtiisa ugu horreysa bilaha ugu horreeya sanadka cusub ee 2024-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here