Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Madaxtooyada Qaranka uga qeyb galay shir ay isugu yimaadeen Madaxda Golaha wadatashiga Qaranka oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamud.
Kulankan oo dhowr saac qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray Amniga guud Dalka, Arrimaha Abaaraha horumarinta la dagaalanka Argagixisada, iyo fulinta adeegyada Aas aasiga ah ee bulshada.













