Waddamada ay ka socdaan ciidamada ATMIS ayaa kulan ay uga arrinsanayaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo sidii Soomaaliya oo dhan looga xoreyn lahaa ku yeeshay dalka Uganda.
Shirkan ayaa billow u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Uganda oo lagu wado inay ka qayb-galaan madaxweynayaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya ee ka tirsan hawlgalka ururka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo kala ah: Uganda, Jabuuti, Burundi, Kenya, Itoobiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan ayaa looga hadlay sidii ciidanka ATMIS uga qayb-qaadan lahaayeen dagaallada lagula jiro Khawaarijta oo lagu wado in dhawaan laga sifeeyo dalka. Kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhageystay xubno ka socda dalalka nabad ilaalinta u jooga Somalia.
Madaxda shirka ka qayb-gashay ayaa waxa ay sheegeen in hawl-gallada ka socda Somalia oo ay iska kaahsnayaan ciidamada xoogga dalka laga gaaray horumar ballaaran oo mira-dhal ah.
Sidoo kale, Wafdiga ka socda Somalia ee ka qaybgalaya shirka ayaa sheegay in guulo ballaaran laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka oo meel aad u wanaagsan maraya, si amniga dalka oo dhan loogu wareejiyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dabayaaqada sanadka soo socda ee 2014-ka.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu codsaday dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni in shirka looga hadlayo arrimaha ATMIS uu marti-geliyo.














