Kooxda Manchester City oo ku guuleystay horyaalka Premier League-ga ee Ingiriiska ayaa lagu sifeeyay koox aan la joojin karin, isla markaana ka mid ah kooxaha ugu fiican taariikhda Premier League-ga, kadib markii ay ku guuleysteen horyaalkoodii 5-aad muddi lix sano gudahood ah.
Guuldaradii Arsenal ka soo gaartay Nottingham Forest Sabtidii ayaa xaqiijisay in Kooxda Man City ay markeedii shanaad hanato horyaalka, waxa ayna kooxdu gool iyo waxba uga adkaatay shalay kooxda Chelsea, taasoo ahayd guushoodii 12-aad oo xiriir ah.
“Sida iska cad dadaal aan muujinay ayaan halkan kusoo gaarnay, xiddigaha kooxda waxay u muuqdaan kuwo aan loo baabac-dhigi karin. Koobabku ma yara sanadkaan,” ayuu ayuu daafaca Man City Kyle Walker u sheegay Sky Sports.
“Cayaartoyda kooxda waa kuwo leh xirfad aad u sarreysa, waa guuleysteyaal aan la loodin karin, waxaana u maleynayaa inay taasi tahay sida aan uga gudubno khadka marar badan. Waxaan doonaynaa in aanu ku guuleysanno FA Cup-ka iyo Champions League-ga, kuwaasoo aan joono cayaartii kama dambeysta ahayd,” ayuu Kyle Walker hadalkiisa ku daray.
Kooxda Manchester City ayaa koobka FA-ga wajaheysa kooxda ay magaalada kasoo wada jeedaan ee Manchester United, kaas oo ay cayaari doonaan 03-da bisha Juun ee soo socota. Waxayna isla 10-ka Juun wada cayaari doonaan Naadiga Inter Milan oo ay isku hayaan koobka Champions League.
Cayaaryahan Jack Grealish oo ka mid ah xiddigaha kaalinta ku lahaa guulaha ay Man City gaartay ayaa yiri: “Aniga shaqsi ahaan, waxaan dareemayaa sanadkan in aan gaarnay guulo waaweyn oo markii hore aan la filayn inaan gaari karno, mid waan soo afjarnay, kuwa kalena waxaan rajeynaynaa inaan guulo ka gaarno.”
“Ma malaynayn inaan heerkaan soo gaari karno, balse waxaan u soo marnay waddo dheer oo adag. Waxaab muujinnay karti iyo dadaal aan heerkan kusoo gaarnay, lama joojin karo kooxda, kalsooni buuxda ayaan isku qabnaa,” ayuu weeryahankan kasoo jeeda Ingiriiska ku daray hadalkiisa.
Sidoonkale, weeraryahanka u kasoo jeeda Norway ee Haaland oo ah xiddig si weyn uga dhex-muuqday Man City ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay in horyaalka PL ee dalka Ingiriiska uu kula guuleysto kooxda uu u cayaaro.
“Xilli ciyaareedkaygii ugu horeeyay ee aan u safro Man City inaan 36 gool dhaliyo illaa hadda, labo final ay weli harsan tahay – ma ahan bilow xun,” ayuu yiri Haaland oo ay ka muuqatay farxad weyn.
Kevin De Bruyne oo isna la hadlay qaar ka mid ah saxaafada ayaa yiri: “Waan ogahay in dadku ay naga filayaan in aanu koobab badan ku guuleysanno, laakiin waxa aan u shaqeynaa maalin kasta sidii riyooyinkaas aan u rumeyn lahayn, dareenka dadka sida xooggan noo taageerana waan uga mahad-celinaynaa.”
Ugu dambeyn, Cayaartoyda Kooxda Man City ayaa ku taamaya inay ku guuleystaan koobabka FA-ga iyo UCL-ga, iyagoo xusay inay dadaal badan muujinayaan si ay u rumeeyaan riyooyinkooda, ayna rikoodh cusub u dhigaan.













