Faahfaahin: Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay degmada Hodan

0
484

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim oo ku taalla inta u dhaxeysa KM4 iyo Tarabuunka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimtay 3- kalena weey ku dhaawacmeen, kadib markii ay miino la kacday mid kamid ah gaadiidkii ilaalilanayay taliyaha ciidanka Asluubta Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo marayay wadadaas.

Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxaa ku dhimashada 3 askari oo ka mid ah ilaaladada taliyaha iyo wiil mooto bajaajle ah ,waxaana jiro dhaawacy askar iyo adad rayid ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo muddo hakiyay  isku socodka dadka iyo Gaadiidka wallow markii dambe ay dib u fureen wadada.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa, waxaana ay sheegeen in uu si dirqi ah qaraxa uu uga badbaaday Taliyaha Ciidamada Asluubta Korneyl Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here