Guddoomiye Madaale oo ka qayb-galay kulan lagu Wacyi-gelinayay Bulsho oo lagu qabtay Degmada Xamarweyne: SAWIRRO

0
342

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi-gelinta, ku-xigeenka hawlaha guud iyo xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir, ayaa caawa ka qaybgalay kulan wacyigelin bulsho ah oo lagu qabtay degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne, Mudane Daahir Maxamed Axmed, Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Gobolka Banaadir, Taliye ku-xigeenka qaybta guud ee booliiska, saraakiisha kala gedisan ee laamaha amniga, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Duqa Muqdisho oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa uu bulshada degmada Xamar-weyne kala shaqeyn doonno horumarka degmada, sida dib-u-dhiska waddooyinka, xarumaha danta guud ee loogu adeego bulshada, xarumaha caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah, isaga oo ballan-qaaday in dhawaan dib-u-dhis lagu sameyn doonno waddada Via Roma ee degmada Xamar-weyne.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa waxa uu bulshada kula dar-daarmay in ay doorkooda ka qaataan horumarka degmada, la-shaqeynta laamaha amaanka, la-dagaalanka maandooriyaha iyo bilicda si ay tusaale ugu noqoto degmooyinka kale ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here