Madashan oo ah middii ugu horreysay ayaa isku keentay xubnaha gabdhaha waxbartay ee ku sugan Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).
Is-araggan oo ah fursad muhiim u ah gabdhaha ayaa looga wadahadlay arrimo badan oo la xiriira gabdhaha waxbartay ee caasimadda ku nool, waxayna diiradda lagu saaray sidii loo kordhin lahaa ka qayb-galka haweenka ee maamulka iyo awoodsiinta uu maamulka Gobolka Banaadir la garab-joogo guud ahaan haweenka.
Ujeeddada ugu weyn ee madasha waa in ay haweenka si toos ah ula hadlaan Duqa Muqdisho, iyagoo la wadaagaya aragtiyo ku saabsan caqabadaha ay la kulmaan iyo fursadaha ay arkaan, si Dowladda Hoose ee Xamar ugu darsato qorshayaasheeda hortabinta leh.














































