Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa galabta ka qeyb galay munaasabad lagu muujinayay doorka ay Haweenka Soomaaliyeed ku lee yihiin ka qeybgal Nabadda iyo la dagaalanka Xagjirnimada.
Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen madax kala duwan iyo saraakiil ciidan ayaa lagu bogaadiyay howlgalka balaaran ee gobolada dalka looga xureynayo Argagixisada.