DUQA MUQDISHO: Waxa aan ka shaqeyn doonnaa sidii Gubadley ay degmo ku noqon lahayd: SAWIRRO + MUUQAAL

0
437

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa munaasabad afur iyo dhiirrigelin isugu jirtay kala qaybgalay cayaartoyda iyo maamulka deegaanka Gubadley, kuwaasoo ku guuleystay Koobka Kubadda Cagta ee degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad oo 22-kii bishan lagu soo gunaanaday garoonka Eng. Yariisow Stadium.

Munaasabadan dhiirrigelinta ah oo uu soo qaban qaabiyay xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, wasiirro, xildhibaanno, guddoomiye ku-xieennada maamulka gobolka Banaadir, madaxda xiriirka kubadda cagta, saraakiil, guddoomiyeyaal degmo, bahda iaboortiga iyo marti-sharaf kale.

Duqa Magaalada Muqdisho oo khudbad kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa mar kale ugu hambalyeeyay kooxdii u cayaaraysay deegaanka Gubadley guusha ee ka gaareen Koobka Kubadda Cagta ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo Degmada Balcad, isagoo ka dhawaajiyay in si gaar ah maamulkiisa uu munaasabad u sameyn doonno cayaartoyda, sidoo kalena uu maamulkiisu ka shaqeyn doono sidii degmo buuxda loogu dhigi lahaa deegaanka Gubadley.

Ugu dambeyn, Mas’uuliyiintii kale ee ka hadlay munaasabadda ayaa dhallinyartii ku cayaaraysay magaca deegaanka Gubadley ugu hambalyeeyay guushii ay gaareen, iyagoo ku boorriyay in ay sii wadaan dadaalkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here