Duqa Muqdisho oo raadinaya caasimad Nadiif ah!

0
272

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir-guddoomiyay kulan lagu qiimeynayay xaaladda naadafadda ee caasimadda iyo heshiiska wada-shaqayn ee Maamulka Gobalka Banaadir iyo Shirkadda IFI oo ah shirkad qaabilsan  nadaafadda iyo maareynta qashinka.

Duqa Muqdisho ayaa madaxda shirkadda IFI ka dhaggeystay warbixin ku saabsan heshiiska ay ku dhisan tahay wada-shaqaynta Shirkadda iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo weliba qaabka shaqo ee shirkadda tan iyo markii ay hawlgalka billowday, waxaana intii uu kulanka socday la galay dood adag iyo su’aalo-weyddiin ku saabsan caqabadaha baahsan ee ka jira dhanka nadaafadda Caasimadda, cabashada bulshada iyo sababaha keenay gaabiska ka jira dhanka wax-ka-qabashada nadaafad-darrada.

May be an image of 7 people, dais and text

Guddoomiye Muungaab ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay mudnaanta ay maamul ahaan u leedahay xaqiijinta hufnaanta iyo hawlqabashada dhanka horumarinta adeegyada bulshada, asigoona ballanqaaday in laga sii arrinsan doono oo go’aan wax-ku-ool ah laga gaari doono heshiiska iyo hannaanka wada-shaqayn ee lagu wajaho nadaafadda Caasimadda.

May be an image of 4 people

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sameeyay isbadalo muuqda oo loo qaaday dhanka maamulka, bilicda iyo wadooyinka caasimadda ayaa raadinaya magaalo nadiif ah oo la tantanka caasimadaha caalamka waxa uuna balanqaaday dartargalinta nadiifinta, nalaynta iyo furista wadooyin sanado xirnaa.

May be an image of 1 person and text that says 'I D/HOOSEEEXAMAR D/HOOSE EEXAMAR +'

Kulankan oo qeyb ka ah dadaallada uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uga golleeyahay dardargelinta hawlaha hortebinta u leh Maamulka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda G/Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada G/Banaadir, Agaasimaha Waaxda Nadaafadda, Agaasimaha Xafiiska Duqa Magaalada iyo Madaxda Shirkadda IFI.

May be an image of 1 person, dais and newsroom

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here