Diyaaradda Egypt Air oo Muqdisho ku timid Duullimaadkeedii ugu horreeyay iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar la socday: SAWIRRO

0
275

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashisha caalamiga ah ee XFS, mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Masar, mudane Badar Cabdulcaadi oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wasiir Fiqi oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahiyay muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isaga oo xusay in billaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanaya xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee dalka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee dowladda Masar ay ka ciyaareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga tallaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madax-bannaanida Soomaaliya.

“Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xad-gudubyada Itoobiya, kaddib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhaxmaray madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Ugu dambeyn, Duulimaadka tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daahfuray ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqan-dhaqaale ee labada waddan, taasoo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here