Munaabad Soo Dhaweyn ah Oo loo Sameeyay Guddoomiyaha G/Banadir ahna Duqa Muqdisho+Sawiro

0
331

Munaasabad aad u balaaran oo Bulshada Soomaaliyeed kusoo dhaweenayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu qabtay Hotelka Royal Palace ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madax kala gedisan oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano, Culima’udiin, Odiyaasha Dhaqanka, Haween iyo Dhalinyaro, ayaa waxaa loogu Mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud xulashada uu markale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho ugu soo Magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Khudbado kala gedisan oo Munaasabada laga jeediyay ayaa Guddoomiyaha loogu rajeeyay in mas’uuliyadda culus eebe u fududeeyo, iyadoona dhinaca kale Bulshada ay balan qaadeen in ay Guddoomiyaha kala shaqeyn doonaan kuna garab siin doonaan horumarka Caasimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here