Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, kaddib casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen Amiirka dalkaas, Amiir Tamiim Binu Xamad.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan ku saabsan xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo iskaashiga Soomaaliya iyo Qatar waxa uu la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad.
Ugu dambeyn, Soomaaliya iyo Qatar ayaa wadaaga iskaashi walaalnimo iyo xiriir dhow oo salka ku haya danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal iyo sooyaalka Labada Shacab.














