Waaxda Dad-dhigista Dowladda Hoose ee Xamar ayaa kordhisay goobaha laga heli karo adeegyada ay bixiso ee shaadooyinka dhalashada iyo sugnaanta.
“Waxaan ogaysiineynaa shacab ku nool gobalka Benaadir, gaar ahaan qaybta Galbeed oo ka kooban, afar degmo iyo hal deegaan, kuwaasoo kala ah; Wadajir, Dharkenley, Kaxda, Dayniile iyo deegaanka Garasbaaley laga billaaba berri oo ay taariikhdu tahay 05/02/2023, in dhalashada iyo sugnaanta ay u doonan karaan laanta cusub ee waaxda taasoo laga furay gudaha xarunta degmada Wadajir,” ayaa lagu yiri qoraal waaxda dad-dhigista laga soo saaray.
Qoraalka, waxaa lagu sheegay in shacabka ku nool degmooyinka iyo deegaanka kor ku xusnay oo keliya ay u adeeg doonan karaan xarunta degmada Wadajir, si ay u helaan shahaadada dhalashada iyo sugnaanta.
Shacabka ku nool degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir waxa ay adeegyada uga doonan karaan xarunta waaxda dad-dhigista Dowladda Hoose ee degmada Shangaani.
Ugu dambeyn, tallaabadan ayaa waxa ay qayb ka tahay qorshayaal dadweynaha gobolka Banaadir adeegyada ay u doontaan waaxdan ay uga heli lahaayeen degmooyinkooda, waxaana socota sidii loo ballaarin lahaa xarumaha waaxda ay ku leedahay Muqdisho.













