Arsenal oo ka adkaatay Kooxda Man City kuna Guuleysatay Community Shield Cup: SAWIRRO

0
539

Arsenal ayaa ku guulaysatay koobka Community Shield 2023, kaddib markii ay rigoorayaal 4-1 ku garaacday kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City, waxaana cayaarta waqtigii loogu talagalay ee 90-ka daqiiqo ahayd ay kusoo dhammaatay bar-barro 1-1 ah.

Leandro Trossard ayaa daqiiqadii 101-aad ee ciyaarta goolkii barbarrada u saxiixay kooxdiisa Arsenal oo gool lagu lahaa, taas oo niyadjab weyn ku keentay Man City.

Kevin De Bruyne iyo Rodri ayaa labadoodaba qasaariyay rigooradoodii, iyadoo Fabio Vieira uu kooxdiisa Arsenal u dhaliyay rigooradii guusha. Waxa ayna ka dhacday cayaarta garoonka Wembley.

Guusha kooxdiisa u horseeday Vieira ayaa waxay siin doonta kalsooni weyn oo uu ku galo xilli ciyaareedka cusub. Laacibkan boosaska badan ka ciyaara ayaa dhibaato kala kulmay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee Arsenal kaddib markii uu kaga soo biiray Porto xagaagii hore.

Tiro cayaartoy ah ayaa loo taagay kaarka jaallaha ah ama huruudda, waxaana sidoo kale kaarkan la siiyay tababaraha Arsenal Mikel Arteta, kadib markii uu buuq ka keenay qalad garoonka ka dhex

Dhanka kale, Erling Haaland ayaa lix kulan aan wax gool ah dhalin kooxdiisa Man City, taas oo ah mid aan laga filayn laacibkan oo aanadkii hore dhigay wacdaro indhaha caalamka soo jiiray.

Haaland ayaa 13 jeer oo keliya taabtay cayaartii ay caawa kooxdiisu la yeelatay Arsenal, waxa uuna cadaadis weyn kala kulmay difaacyada Arsenal gaar ahaan Saliba, balse weeraryahanka reer Norway ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aan waxtar lahayn, waxaana lagu beddelay Palmer daqiiqadii 64-aad.

Kai Havertz ayaa lambarka 9-aad u watay Arsenal, iyadoo Gabriel Jesus uu kooxda uga maqanaa dhaawac ahaan, waxaana jiray calaamado wanaagsan oo laga helay xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka.

Ugu dambeyn, 24-sano jirkaan ayaa helay qaybtii hore ee cayaarta laba fuesadood oo noqon karay goolal, balse waxaa ka difaacay shabaqa Man City goolhay Stefan Ortega oo muujiyay dadaal badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here