Guddoomiyaha G/Banadir Oo ka Qeyb Galay Daah Furka Qorshaha Qaranka Ee Cagaarka+Sawiro

0
364

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud kala qeybgalay daah furka qorshaha Qaran ee Soomaaliya cagaar, taasi oo geedkii ugu horeeyay uu Maanta Madaxweynaha ku beeray guriga Ummadda.

Wejiga 1-aad ee Qorshahaan oo ka bilawday maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in 2 bilood ee soo aadan Gobolka Banaadir ee Caasimadda dalka Soomaaliya lagu beero 100,000 oo geed sida uu faray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray hay’adaha dowladda in ay hormuud u noqdaan qorshahan oo dhireeyaan xarumaha ay ku shaqeeyaan, sidoo kale waxa uu ugu baaqay haweenka Soomaaliyeed oo taariikh ahaan door wanaagsan ka qaata daryeelka deegaanka in ay guryaha iyo goobaha ganacsiga ay ku tallaalaan geedahan waxtarka u leh deegaanka ee ay dowladdu diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here