MADAXWEYNE XASAN oo bogaadiyay Shirkii Culumada iyo Go’aannadii kasoo baxay: MUUQAAL+SAWIRRO

0
92

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan ku maamuusay culummadii ka qaybgashay shirweynaha culummada Soomaaliyeed ee lagu qabtay Muqdisho ayaa uga mahadceliyay sida midnimada leh ee ay Ummadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigeen baadinimada kooxaha Khawaarijta, ficilada gurracan iyo afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo garab istaagga ay u muujiyeen Jihaadka dalka looga ciribtirayo.

Madaxweynae Xasan ayaa si faahfaahsan uga sheekeeyay hanaanka uu ku bilawday howlgalada ka dhanka ah kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab.

Madaxwwynuhu, waxa uu hadalkiisa ki xusay in markii uu billowday dagaalla aysan la dhalacsanayn inta badan dadka Soomaaliyeed iyo caalamka, balse howlgalka lagu qancay markii Al-shabaab laga saaray deegaano badan.

Sidoo kale, Madaxwweynaha ayaa tilmaamay in howlgalka uu ahaa mid loo dhabar adeegay oo ay fuliyeen Soomaali kaligeed, taas oo dhadhan la taaban karo u sii yeeshay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta.

“Dhiirramaanta dadka Soomaaliyeed ayaa horseedday in kooxaha Lhawaarijta ah laga qabsado inta badan deegaannadii ay ka talin jireen ee gobollada dalka,” ayuu yiri madaxwwyne Xasan Sheekh isagoo ku baaqay in la kordhiyo shirarka la isugu keenayo bulshada qaybaheeda kala duwan si la isaga kaashado horumarka dalka.

Caasho-sharafta uu madaxweyne hadalladan ka jeediyay ayaa xalaynka dhacday xarunta madaxtooyada, waxaana goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo Culumaa’udiin soomaaliyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here