Waxaa magaalada Muqdisho malintii saddexaad ka socda shirweynaha culummada Soomaaliyeed kaas oo uu horay ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Qodobbada ugu waaweyn ee shirkan lagu faaqidayo ayaa kala ah:
1. Sharciyadda diimeed ee ku saabsan dagaalka ay dowladu iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta.
2. Muujinta sharciyadda iyo masuuliyadda Dawlada ka saaran ilaalinta diinta.
3. Dhisidda Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa xusid mudan inuu shirkani ku soo beegmay 23 Jannaayo oo ah maalin xusuus murugo ku leh quluubta shacabka Soomaaliyeed ee 100% muslinka ah. Waa maalintii la toogtay tobankii sheekh ee ka hor yimid Xeerkii Qoyska 1975-tii.
Haddaba si aanay dhacdooyinkaas oo kale inoogu soo noqon, waxa lagama maarmaan ah in markasta leeyihiin culimada iyo dawladda Soomaaliyeed iskaashi iyo wadashaqeyn.
Culimada Soomaaliyeed ee ka kala yimi gobolada dalka iyo dalalka dibada shirkoodu wuxuu sharciyada diimeed ka qaadayaa qawlaysatada Khawaarijta, kuwaas oo wax badan ku qaraabtay magaca diinteenna suubban ee Islaamka. Waana shir lagu muujinayo fahanka saxda ah ee diinta Islaamka dhinaca kalena waa mid lagu toosinayo qallooca caqiido ee kooxaha xagjirka ahi ay diinta ka baahiyeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, markii hore ee uu xukunka joogay wuxuu dalka ka cayriyay dad isku dayay inay fikirka Shiicada dalka ku faafiyaan. Tani waxay muujinaysaa waajibka saaran, lexejeclada iyo daryeelka uu madaxweynu u hayo diinta Islaamka si la mid ah sida ay dawladdu heeganka ugu tahay la dagaallanka fikradaha gurracan iyo anshax-xumada beryahan danbe inagu soo badanaya.
Waxa mudan in carrabka lagu adkeeyo, inay dawladdu masuul ka tahay guud ahaan ilaalinta diinta Islaamka iyo gaar ahaan daryeelka shacaa’irta diinta Islaamka. Dhawrista diintu waa masuuliyadda Dawladda Fedderaalka ah, ee ma aha mid mas’uuliyad qolo kasta iyo deegaan kasta ee Jamhuuriyada Soomaaliyeed looga mareeyo hadba sidii la rabo.
Gunaanadkii, shirkani wuxuu astaan u yahay bilawga dawlad diinta heshiis la ah iyo culimo heshiis ah. Waa sahanka fufka cusub ee cusboonaysiinta fikirka iyo habdhaqanka diinta la jaanqaadaya waayaha iyo dawladnimada casriga ah.













