Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda dalka ku soo dhaweeyey Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Kenya Mudane William Samoei Ruto iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shir madaxeedka Soomaaliya iyo dalalka Safka hore ee deriska la ah dalkeenna.
















