Madaxda Qaranka oo ka qeyb galay Munaasabad lagu abaal marinayaay Guddiyadii Doorashooyinka+Sawiro

0
370

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii doorashooyinkii dalka ka dhacay ayaa ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada.

Munaasabadda oo ku qabsoontay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, waxaa ka qayb galay, Guddoonka labada gole ee BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisulwasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisulwasaare ku xigeenka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Wasiiro, Xildhibaanno iyo Marti sharaf kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here