Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya, Lionel Laurens.
Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa loogu hadlay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed oo ay hay’adda UNDP ka taageerto Dowladda Hoose ee Xamar iyo sidii loo abuuri lahaa barnaamijyo cusub oo lagu gaari karo qorshayaasha hortebinta u leh ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ugu horreyso, dib-u-dhiska kaabayaasha, horumarinta xirfadaha iyo aqoonta hawlwadeennada iyo taaba-gelinta doorashooyinka golayaasha deegaanka.
Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in fulinta barnaamijka siyaasadda loo dhan yahay oo ay ugu horreyso awoodsiinta haweenka, xallinta khilaafaadka iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka ay horseed u noqon doonto ka dhabeynta hiigsiga iyo qorshaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ah in dalka uu ka dhaco doorasho qof iyo cod.















