Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdullaahi Aadan ayaa tababar ugu furay Magaalada Muqdisho Agaasimeyaasha Imtixaanaadka Waxbarashada Maamul Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo WWHTS.
Tababarkaan oo lagu baran doonno sameynta keydka su’aalaha (Questions Bank) ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qubaro ku taqasusay Afka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa; Prof. Cabdalla Mansuur oo ka socday xarunta AGA iyo khabiiro dhinaca Waxbarashada.
Ujeedka tababarkan ayaa waxa uu yahay sidii loo heli lahaa keyd laga soo qaato su’aalaha ku yimaada imtixaanaadka dalka, isla markaana loogu maarmo waqtiga iyo qarashaadka lagu bixiyo diyaarinta su’aalaha marka la gaaro sanad dugsiyeedyada dalka.
Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa horay dib-u-habeyn ugu sameeyay Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir si loo tayeeyo waxbarashada ubudka Soomaaliyeed, isla markaana ay bulshada Caasimadda u helaan waxbarasho tayo leh.













