Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kormeeray Xafiisyada Guddiyada Baarlamaanka Somalia: SAWIRRO

0
356

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kormeer shaqo ku tagay xafiisyada guddiyada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiyaha ayaa u kuur-galay shaqada ka socota guddiyada, kuwaasoo ku hawlan kor-joogteynta hay’adaha dowladda iyo sida ay u socdaan kulammada guddiyada. Waxa uuna Guddoomiyuhu dhiirri-geliyay xildhibaannada in ay ilaaliyaan joogitaanka kulamada.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay guddiyada shaqooyinka baaxadda leh, la xisaabtanka iyo kor-joogteynta hay’adaha dowladda. Wuxuuna si gaar ah u kormeeray xafiisyada Guddiga Arrimaha Bulshada, Gaadiidka, Tamarta iyo Garoomada Diyaaradaha, Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Difaaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here