Garyaqaanka Guud ee Gobolka Banaadir Avv. Muxyadiin Xasan Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay guddiga shaqaalaha Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo uu hoggaaminaayay Guddoomiyaha Guddiga Mudane Cumar Cabdullaahi Xasan (Qaanso).
Kulanka waxaa looga dooday qodobbadii xeerka ee dib-u-eegista lagu sameeyay, si xeerarka guddiga shaqaalaha Gobolka Banaadir loo waafajiyo shuruucda u degsan dalka, gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Ugu dambeyn, Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Gobolka Banaadir ayaa dib-u-eegis ku sameeyay xeer hoosaadka guddiga shaqaalaha Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoo la fuliyo qodobadii kasoo baxay in lagu soo bandhigo shirkii banbaxa Gobolka Banaadir, gaar ahaan faqradiisa 10-aad.














