Agaasimaha Waaxda Xiriirka Arrimaha Dibadda iyo Hay’adaha Caalamiga ee maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyay safar shaqo oo uu ku joogo Magaalada Helsinki ee dalka Finland.
Agaasimaha ayaa sheegay in Helsink ay u joogaan aqoon-isweydaarsi uu dhinac walba ku sharraxayo sida uu u shaqeeyo iyo caqabadihii uu kasoo gudbay.
“Waxaan Helsink u nimid aqoon-isdhaafsi la xiriira dib u heshiisiinta, maamul wanaagga iyo adeegyada kale ee bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo maareynta qashinka” ayuu yiri agaasime Maxamed Xasan.
Sidoo kale, Agaasimaha ayaa intaas ku daray inay u sharraxeen sidii ay uga gudbeen dagaalladii ahliga ahaa ee ay soo mareen iyo waxyaabihii ay isticmaaleen.
“Helsink iyo Finland oo dhan, waxaa ka dhacay dagaallo sokeeye, waxa ay noo sheegeen inay isticmaaleen si ay uga gudbaan, waxbarashadii oo ay beddeleen iyo shuruucda dalka oo dhan oo ay beddeleen, si sharciga cid uga sarreysa loo waayo” ayuu yiri Agaasimaha Xiriirka Arrimaha Dibadda ee maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, agaasime Maxamed Xasan ayaa sheegay in dhankooda ay u sharraxeen sida ay u shaqeeyaan Dowladaha Hoose ee Soomaaliya iyo Dowladda Hoose ee Xamar, innagoo faahfaahin ka siinnay sidii ay shacabka Soomaaliyeed uga gudbeen culeysydii soo marsy iyo heerka ay maanta taagan yihiin.














