Jeneraal Sulub Axmed Firin oo Qaabilay Madaxa Hay’adda Midowga Yurub u Qaabilsan Somalia ee EUCAPSOM

0
66

Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Sareeeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’ada EUCAPSOM, Mr Kauko AALTOMAA, Dania Cossa, madaxa hawlaha iyo Mohamed Ibraahim oo ah la-taliye siyaasadeed oo ka tirsan hay’adda.

Hay’ada tayeeynta Midowga Yurub ee Soomaaliya, European Union Capacity Building in Somalia (EUCAP SOM) ayaa ka mid ah hay’adaha sida weyn u taageera ciidanka booliiska Soomaaliyeed, kulanka ayaa daaranaa isugu jiray isbarasho iyo soo dhaweyn.

Dhanka kale, Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa saaka kormeeray hannaanka shaqo ee saldhigga booliska ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ayaa warbixin ku saabsan hawlaha saldhigga ka dhageystay taliyaha saldhuggaas, waxa uuna bogaadiyay hawlaha uu saldhiggan u hayo bulshada kasoo daya iyo kuwa ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Taliyaha booliiska Soomaaliya ayaa maalmahaan waday kormeer uu ku ogaanayo howlaha shaqo ee qaybaha iyo hoggaannada kala duwan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here