Wasiirrada arrimaha dibadda waddamada la isku yiraahdo G7 ee kala ah; Mareykanka Kanada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Jaban, Britain iyo ergayga Midowga Yurub ayaa bogaadiyay horumarrada lixaadka leh ee ay dowladda Somalia ay ka samaysay dhanka hay’adaha dhaqaalaha iyo amniga.
Sidoo kale, Wasiirradu waxa ay ku dhiirri-galiyeen dowladda Somalia inay sii laba-jibaarto ka guul gaarirada dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah, waxayna soo dhaweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ku aaddan hormarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka dalka.
Dhanka kale, Wasiirada arrimaha dibadda ee G7 ayaa walaac ka muujiyay heshiiskii aan sharciga ahayn ee dhexmaray Itoobiya iyo maamulka gobollada Waqooyi ee loo yaqaan Somaliland bishii Janaayo ee 2024.
Wasiirrada dalalka G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada caalamiga ah madax-banaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.
Ugu dambeyn, Wasiir-u-dowlaha arrimaha dibadda Somalia, Cali Balcad ayaa sheegay in dowladda Somalia ay soo dhaweynayso sida ay waddamada G7 uga go’an tahay xoojinta nabadda Geeska Afrika iyo sidoo kale taageeradooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo ilaalinta sharciyada caalamiga ah kuwaas oo u ah muhiim nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.












