Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo uu ugu qayb-geli doono Madasha Duni Magaaleynta 12-aad (World Urban Forum 12).
Sidoo kale, Wafdiga gaaray dalka Masar ee shirkan ka qayb-galaya waxaa ka mid ah ra’iisal wasaare ku-xigeenka XFS, mudane Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Mudane Cilmi Maxamuud Nuur.
Ugu dambeyn, Wafdiga waxaa soo dhaweeyay danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare.














