Guddoomiye ku-uxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow kusoo gaba-gabeeyay tartankii kubadda cagta ee dugsiyada Gobolka Banaadir.
Tartankan oo ay ka qaybgaleen illaa 38-dugsi oo isugu jira; Hoose, Dhexe iyo Sare oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaa tartankan qaban-qaabadeeda lahaa Agaasinka guud ee Waxbarashada Gobolka Banaadir, iyadoona cayaartii ugu dambeysay (Fina-lka) ee maanta isaga horyimaadeen dugsiga Muqdisho oo ku yaalla Shibis iyo dugsiga Axmed Gurey ee ku yaala degmada Yaaqshiid.
Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa koobka kubadda cagta ee dugsiyada Gobolka Banaadir gacanta u geliyay cayaartoyda dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Axmed Gurey, kaddib markii ay 3-2 kaga adkaadeen dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Muqdisho.
Daawashada cayaartaan waxaa goobjoog ka ahaa, wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee XFS, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee arrimaha bulshada iyo wacyigelinta, Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, guddoomiyeyaasha degmooyinka Cabdicasiis, Shibis, Yaaqshiid, bahda waxbarashada iyo taageerayaal isaga kala yimid degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir.














