Tababaraha kooxda Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ka tagi doona kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan, kaddib sagaal sano oo uu tababare u ahaa.
Jurgen Klopp oo 56 jir ah, ayaa kooxda ku hoggaamiyay ku guuleysiga Champions League sanadkii 2019-kii ka hor inta aysan qaadin horyaalkoodii ugu horreeyay ee Premier League 2020-kii.
“Waan fahmi karaa in go’aankan uu naxdin ku yahay dad badan, laakiin waan mid aan anigu go’aansaday,” ayuu yiri Klopp.
“Waan jeclahay kooxda, magaalada, shaqaalaha iyo taageerayaasheenna, balse in aan qaato go’aankan waxay ku tuseysaa inuu yahay mid aan muddo dheer maanka ku hayay, hadda ayaanse ku dhawaaqay,” ayuu yiri Jurgen Klopp.
Sidoo kale, Pepijn Lijnders iyo Peter Krawietz oo ahaa gacan yarayaasha Klopp ayaa iyagana ka tagi doona kooxda. Waxaana lagu wadaa in tababarihii beddeli ahaa Klopp la magacaabo dhawaan.
Klopp ayaa saxiixay heshiis labo sano ah oo uu ku joogayo kooxda sanadkii 2022-kii, waxaana lagu waday inuu sii joogo Anfield illaa 2026, balse way suuroobi wayday.
Tan iyo markii uu yimid kooxda Liverpool 2015-kii, wuxuu ku guuleystay dhawr koob, wuxuuna sii laylin doonaa inuu hogaamiyo kooxda inta ka harsan xilli cayaareedkaan 2023-24, iyaga oo raadinaya inay qaadaan koobka Premier League-ga.
“Kooxda Liverpool, waxa ay soo martay waqtiyo kala duwan, waxa aan isla soo marnay waqtiyo adag, aad ayaana ugu faraxsanahay inaan soo gaaro xilligii aan faarujin lahaa kooxda,” ayuu yiri Jurgen.
Ugu dambeyn, Tababarahan u dhashay dalka Jarmalka ayaan sheegin halka uu aadi doono Liverpool kaddid, waxaase uu sheegay inuu nasiino qaadanayo, ka hor go’aankiisa dambe.