Guddoomiye Madaale oo Aqalka Dowladda Hoose ku Qaabilay Yemaniyiinta ku nool Xamar: SAWIRRO

0
556

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta farxadda Ciidul Fitriga awgeed Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay qaar ka mid ah muwaadiniinta Yemen ee ku nool Muqdisho, isagoo guddoonsiiyay lacag uu ugu tala-galay inay qoysaskooda ku ciid-siiyaan.

Guddoomiye Madaale ayaa qoysaska u sheegay in Soomaaliya iyo Yemen uu ka dhaxeeyo xariir walaalnimo oo soo jireen ah, waxa uuna shacabka iyo Dowladda Yemen u rajeeyay in dalkooda uu Eebe ka dhigo mid nabdoon.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir, agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hawlwadeennada maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Muwaadiniinta kasoo jeeda Yemen ayaa ka mahadceliyay qaabilaadda maanta, waxaana uu Duqa Muqdisho ballan-qaaday daweynta mid ka mid ah Yamnaiyiinta lagu qaabilay Aqalka Dowladda Hoose, kaasoo qaba xanuun dhanka Sanbabada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here