Madaxweynaha DF Somalia: Somaliland waa inay nabad ku xalliso colaadda Laascaanood: MUUQAAL

0
300

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlay dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in aysan taageersanayn colaad, isagoo xusay in qof Soomaali ah oo dhimanaya ma aqbali karno. Dhakhtar dad ku daweynayay isbitaalka Laascaanood ayaa dhintay, mana ahan mid la aqbali karo.

“Waxa aan qabnaa in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliy, kala go’a ma aaminsanin; kuma raacsani, haddana intaan madaafiic idiin rakabinno midnimada xoog ku qaata idin ma lihin, waana waxaan 30 sano u kala joogno oo maalin walba aan leenahay saan ma aha, wixii dhacayna shalay waa laga soo gudbay ee yaysan wax kale dhicin ee aan wadahadal ku dhammeyno waxa jira,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku carrabka ku dhuftay in dowladda federaalka Soomaaliya uu mowqifkeedu yahay midnimo oo aysan marnaba ka tanaasuleyn, balse ay u marayaan is-qancin iyo miiska wada-hadalka.

“Dadka reer Sool ha la dhageysto oo ha lala hadlo, midnimada rabna haday yiraahdeen qof laguma colaadin karo, adinkuba gooni isu-taag ayaan rabnaa ayaa tiraahdeen lagumana colaadiyo. Walaalka midnimada raba waxaa u sheega; midnimada nabad ayaan ku rabnaa; heshiis ayaa ku rabnaa; oo dhiig in uu ku daato ma rabno” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan raalli ka ahayn in ay colaadiyaan Somaliland, iyagana waxaa looga fadhiyaa sidii ay nabad ugu xallin lahaayeen tabashada taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here