Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay hoggaanka ciidanka heeganka Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, booliis iyo qaybo rayid ah.
Wasiirka Gaashaandhigga JF Soomaaliya, mudane C\qaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda, mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka guddoomiyaha golaha wasiirada difaaca iyo amniga Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen madaxda dalalka EASF oo ka dhacay magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda.
Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa golaha wasiirrada difaaca ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan.
Ugu dambeyn, Wasiirka Difaaca Somalia C\qaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan-qaaday in Soomaaliya si dhaw ula shaqeyn doonto dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Waxa uuna casuumaad ku fidiyay in kalafadhiga xiga ay Soomaaliya marti-gelin doonto.