Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Tababar u furay dhalinyaro ah laga keenay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir

0
1280

Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshadda Gobolka Banaadir marwo Basma Caamir Jaketti ayaa maanta tababar ku saabsan hormarinta xirfadda kaluumeysiga u furtay dhalinyarao laga soo kala xulay 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Cabdikaafi Maxamuud Makaraan gudomiyaha dhalinyaradda gobolka Banaadir oo la hadlay Idaacada Codka Caasimadda ayaa sheegay in tababarkaan ay ka faa’iideysan doonan 50 dhalinyaro ah oo laga keenay 17 degmo ee Gobolka, isaga oo sheegay in la bari doono xirfadda Kaluumeysiga, sida loo wado Doomaha iyo cilad bixintooda.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhalinyaradda tababarka la siinayo ay ku jiraan 10 dumar ah oo la bari doono nadaafadda goobaha lagu iibiyo kaluunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here