Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay burburiyeen fariisin ay kooxda Al-shabaab ku leheed degaanka Saaydheeloow oo 30 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Sarakiisha ayaa sidoo kale shagay in kahaasro xoogan ay gaarisiiyeen Alshababa, kadib markii ay weerar ku qaadeen fariisim ay koxdu ku leheed deegaanka Saaydheeloow.
Dhanka kale waxaa jiro dhimashoo iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada ay dirirtu dhexmartay, waxaan la xaqiijiyay geerida askari ka tirsanaa ciidanka boliiska oo magaciisa lagu sheegay AU Nuunoow Sheekh Isxaaq.
Askariga dhintay ayaa ka tirsanaa ciidamo booli ah oo gurmad ahaan looga qaaday Magaalada Baydhabo.
Al-Shabaab ayaa weli go’doomin ku haayo deegaano ka tirsan gobolka Bakool,iyadoo dhawaan uu booqday madaxweyne C/Casiis Lafta Gareen.













