Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xiireey Axmed Rooble ayaa sheegay in Maamulka Goholka Banaadir ay ka go’an tahay in la kordhiyo goobaha lagu barto xirfadda gacanta ee ku yaalla Magaalada Muqdisho..
Xiireey Axmed Rooble oo wareysi siiyey Idaacada Codka Caasimadda ayaa sheegay in dib loo howl gelin doono xarumihii lagu baran jirey xirfadda gacanta ee ku burburay dagaaladii sokeeyo ee dalka ka dhacay.
Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Mr. Xiireey ayaa hadalkan jeediyey kadib markii ay Madax uu ka mid yahay kormeer ku tagteen Dugsigii sare ee Maxamuud Axmed Cali qeybtiisa Farsamada Gacanta.













