Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Shirka Loo Dhan Yahay ee LDC5 ee hal-ku-dheggiisu yahay: Ka faa’iidaysiga khayraadka la haysto si loo gaaro barwaaqo
Madaxda sharafta leh, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf ayay ii tahay in aan idin kala hadlayo shirkan shanaad ee muhiimka ah ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan Dalalka Horumarkoodu Hooseeyo, kaas oo ka dhacay dalka quruxda badan ee Qatar.
Soomaaliya, waxaana noo soo baxday muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam lagu badbaadin karo bulshada si loola tacaalo saamynta mushkiladaha caalamiga ah ee mustaqbalka. Sidaas awgeed, waxa aan si aan daal lahayn uga shaqeyneynaa sidii aan ku kobcin lahayn dhaqaalaha, ku abuuri lahayn shaqooyin, sidoo kalena ku uruuri lahayn dakhliga gudaha, balse wali ma haysanno barnaamiyada badbaadada maaliyadeed ee bulshada ee dalalka kale ee horumaray ay haystaan.
Balse, waxaa jiri jiray haatanna jira dareen xooggan oo bulsheed, adkaysi iyo wadaagga culayska oo ka jira Soomaaliya si la mid ah in badan oo ka mid ah Dalalka Horumarkoodu Liito, kaas oo naga caawiyay sidii aan ula tacaali lahayn safmarkii COVID-19.
Waa in dareenkan iyo isku danqashadan bulsheed loo aqoonsadaa quwad isla markaasna lagu xusaa naqshadda dhammaan mashaariicda horumarineed ee caalamiga ah iyada oo ahmiyadda la siinayo baahiyaha maxalliga ah, khibradda iyo shaqo abuurka sida ku xusan Qorshaha Horumarinta Qaran ee Soomaaliya. Run ahaantii, habkani ayaa noqon kara kan ugu saamaynta og si loo xaqiijiyo saamayn horumarineed isla markaasna loo xoojiyo badbaadada bulsheed ee bulshooyinka nugul ee dalalka Horumarkoodu hooseeyo.
Badbaadada bulsheed ma ahan waana in aysan noqon wax siin oo kali ah: waa in ay noqontaa fursado abuuris si loo gaaro is-sharfid, karaamo iyo isku filnaansho kuwaas oo sii dhisaya khayraadkii bulsheed ee horey u jiray iyo adkaysiga.
Soomaaliya waa dal qani ku ah khayraadka
Ka Soomaaliya ahaan, waxaa naga go’an sidii aan u soo saaran lahayn khayraadkeenna una gaari lahayn barwaaqo annagoo u marayna wadiiqo u wada faa’iidaynaysa dadkeenna iyo awoodda qarankeenna. Waxa aan durba si firfircoon uga shaqeyneynaa barnaamijka dib u habaynta dhaqaalaheenna qaranka si aan u gaarno dayn cafinta, marka aan yoolkan gaarnana, waxa aan doonaynaa in aan ku tiirsanaanno cududdeenna si aan qaran ahaan ganacsi u samayno si aan barwaaqo u gaarno.
Soomaaliya waa dal qani ku ah khayraadka, waxa uuna leeyahay mid ka mid ah xeebaha ugu dheer adduunka, dhul carrasan ah oo beerista ku habboon oo looga faa’iidaysan karo beeraha iyo xoolaha, iyo sidoo kale dhaqan xooggan oo ganacsi oo dadka Soomaaliyeed ganacsi alaab iyo adeegba ay isaga kala gooshaan gobolka iyo adduunka. Sidoo kale bulshada Soomaaliyeed waxa ay leedahay xiriir dijitaal ah oo xooggan iyo Jaaliyado dibadeed oo cuddudooda lagu qiyaaso 2 milyan kuwaas oo doorkooda ka cayaaraya dib u dhiska qarankooda iyaga oo u maraya soo diris lacag iyo maalgashi.
Waxaa jirta fursad wayn oo si hal-abuurnimo leh oo waxbarasho iyo fursad abuuris lagu siin karo dadka oo dhan oo ay ku jiraan dhallinyarada, gabdhaha iyo haweenka haddii aan majaraha u qaban karno fursadaha uu leeyahay dalkeenna iyo tamarta hal-abuurnimo ee dadkeenna annagoo sii kordhinayna abaabulka khayraadka gudaha, maaraynta maaliyadda dadweynaha iyo dowlad wanaaggan.
Sidoo kale, tiknolojiyadda waxa ay bixisaa fursado qarash ahaan la goyn karo isla markaasna la heli karo si aan u horumarinno nidaam maaliyadeed oo loo dhan yahay, bixinta adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha, gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka dadweynaha kuwaas oo muhiim u ah horumarinta karaanka dadweynaha ee Soomaaliya
Madaxda sharafta leh, Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Iskaashiga Soomaaliya maanta waa mid samaynaysa horumar la taaban karo, waxaana sabab u ah dadkeeda firfircoon ee adkaysiga og iyo bahwadaagta caalamiga ah oo sii wada in ay na sii garab taagnaadaan xilli aan annagana ku dadaalaynno sidii aan ku gaari lahayn mustaqbal ka fiican kan maanta.
Sababahan awgood, waxaan ku baaqayaa in la sii xoojiyo iskaashiyada wax ku oolka ah ee looga gol leeyahay in lagu gaaro natiijooyin wax ku ool ah.
Waa in aan dhammaanteen kala barannaa guulaha hayaanka horumarka ee mid kasta oo naga mid ah uu samaynayo, sidoo kale caqadaha iyo fursadaha. Waa in aan ka fogaannaa hab fikirka gooni goonida ah iyo isku dayada aan mira-dhalka ahayn ee mashaariicda ku salaysan si aan u gaarno himilooyinka horumarineed ee hammiga wayn leh ee Dalalka Dhaqaalahoodu Hooseeyo, kuwaas oo si qayaxan ugu cad Qorshe Hawleedka Barnaamijka Doha ee 2022-2031.
Gunaanad
Gabagabadii, Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhowaynaysaa Qorshe Hawleedka Barnaamijka Doha ee Dalalka Dhaqaalahoodu Hooseeyo, waxaana si dhow ula shaqeyn doonnaa dadkeenna iyo bahwadaagteenna si aan u xaqiijinno fulinta ballanqaadyada iyada oo yoolku yahay sidii aan u horumarin lahayn dadkeenna.













