Agaasimaha Naafada Maamulka Gobolka Banaadir Md. Axmed Xasan Warsame ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi dhaqaatiirta ah oo ku Takhakhusay indhaha oo ka socdey Jamaacadda Aasan Cadde, waxaana hogaaminayey Guddoomiyaha Jaaamacada Adan Cadde Intenational University Dr. Cabduqaadir Black.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii wax loogu qaban lahaa dadka araga naafada ka ah ee ku nool Gobolka Banaadir, waxa ayna Dhakhaatiirtu balan qaadeen iney wax badan ka qaban doonaan Baahiyaha gaarka ee heystey Naafada (gaar ahaan Araga) ku nool Magalada Muqdisho.














