Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa si rasmi ah u furay tartanka xiisaha badan ee kubadda cagta degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir oo ay wehliso degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Furitaankan tartankan oo ka dhacay garoonka Eng. Yariisoow ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxweynaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, agaasimaha wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga, agaasinayaal ka tirsan maamulka Gobolka Banaadie iyo boqollaal dadweyna ah oo ka kala socda degmooyinka magaalada Muqdisho.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta furno tartanka kubadda cagta ee degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir iyo degmada Balcad, oo sannad walba dhaca, waxaana doonaynaa inay soo baxaan cayaartooy farsamo fiican oo meteli kara Qaranka Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiye Yabooh.
Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah mid aad u xiisa badan ayaa sanad kasta la qabtaa, kaas oo ay u soo daawasha tagaan kumannaan dadweyna ah oo ka kala socda magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Kooxda degmada Dharkeenley oo kooban difaacaneysa iyo kooxda ka socota Degmada Balcad ayaa tartankan lagu furay, kuwaas oo garoon Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan.
















