Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka qayb-galay munaasabad afur wadareed ah oo lagu soo bandhigaayay waxqabadka Hay’adda Cilmibaarista Hidaha iyo Dhaqanka ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Hay’adda Cilmibaarista, Hidaha iyo Dhaqanka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdullaahi Sheekh Nuur (Khadar) oo madasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday waxqabadka xafiiska, muhiimadda ay leedahay cilmibaarista iyo daraasadaha ay ka sameeyeen dhibaatooyin badan oo dhinaca arrimaha bulshada ah.
Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa boogaadiyay waxqabadka Hay’adda Cilmi-baarista, Hidaha iyo Dhaqanka Gobolka Banaadir, isagoo xusay in daraasado badan oo ay sameeyeen uu qeyb ka noqday xallinta caqabado taagnaa.
Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa oo dhankooda boogaadiyay waxqabadka Hey’adda Cilmi-baarista, Hidaha iyo Dhaqanka Gobolka Banaadir mas’uuliyiin isugu jiray wasiirro, xildhibaanno, culumaa’udiin, bahda waxbarashada, bahda garyaqaannada, aqoonyahanno, Hlhaween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale.